HomeAll newsKhilaafka Farmaajo & Rooble Muxuu Kala Mid Yahay Kii C/llahi Yuusuf Iyo...?

Khilaafka Farmaajo & Rooble Muxuu Kala Mid Yahay Kii C/llahi Yuusuf Iyo…?

Tan iyo markii ay cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay warkii ay hey’adda Sirdoonka ee DF, ku iclaamisay geerida gabadha la yiraahdo Ikraan Tahliil, oo ka tirsanayd isla hey’addaas, ayaa waxaa dibadda usoo baxay dagaal hoosaad iyo khilaaf ka dhaxeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaarihiisa Maxamad Xuseyn Rooble.

Ikraan, waxaa gurigeeda ugu dambeysay laba bilood ka hor, kadib markii uu xilli habeen ah u yeeray Taliyaha Sirdoonka, Fahad Yaasiin Xaaji, xilligaasoo ay horey usii qaadatay wixii docomint ama xog ahaa ee u yaallay iyo Computer-keedii gaarka ahaa. Eheladeedu waxay sheegeen in lagu qaaday gaari ay Sirdoonka dowladdu leeyihiin.

Muddo laba bilood ah oo ay gabadhan hooyadeed baadi goobeysay, ma jirin wax war ah oo kasoo baxay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, labadaba, laakin Rooble ayaa todobaadkan fursad u arkay inuu ka faa’iideysan karo dareenka siyaasiyiinta iyo xildhibaanda ka careysan dilka gabadha, taasoo heysatay dhalashada dalka Ingiriiska lana soo shaqeysay hey’ado kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa sheegta iney u doodaan xuquuqda Aadanaha.

Xil-ka-qaadista uu Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin, taliyaha Nabad-sugidda, iyo go’aanka uu Farmaajo uga soo hor jeestay arrintan, waxay sii hurisay is-nacaybkii ka dhaxeeyay madaxda ugu sarreysa DF, iyadoo arrintanna ay sheeda kore kala socdaan shisheeyaha gacanta ku haya siyaasadda dowladda.

MAXAA KA DHALAN KARA KHILAAFKAN?

Haddaba khilaafkan ayaa u muuqda mid keeni kara gacan ka hadal iyo in ciidamada DF, ay la kala saftaan labada mas’uul, oo u muuqda kuwa ku awr kacsanaya bulshada, maadaama ay ku jiraan ol’olaha diyaar garowga doorashada. Markase la eego sida ay wax ku socdaan waxaa la dareemi karayaa in qolyaha loogu yeero (Beesha Caalamka) ay awood dheeri ah siinayaan Rooble, ayna doonayaan in ay usoo caan bixiyaan sidii Nuur Cadde oo kale.

Sannadkii 2008, markii la iska hor keenay Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisulwasaarihiisii Nuur Cadde, waxaa looga dan lahaa ujeedo lamid ah tan maanta laga leeyahay colaada ka dhex aloosan Farmaajo iyo Rooble, taasoo ah in shacabkii dhibbanaha u ahaa Farmaajo, kana niyad jabay taageerada nidaam dambe oo ay shisheeyuhu wataan, in Rooble, loo tusiyo nin halyey ah oo aan oggolaan karin xad gudubka, si shacuurtooda loo dajiyo maskaxdoodana loo baddalo.

Taariikhda ayada ayaa isi soo celcelisa, markii 2007, iyo 2008, ay Bakaaraha dhacayeen ciidamadii dowladdii Cabduullaahi Yuusuf, waxaa dadka intiisa aan siyaasadda la socon loogu been guuray Nuur Cadde oo yiri: “ma oggolaanayo in ciidanka dowladdu dhacaan Bakaaraha xilkiina ka qaaday raggii garbaha u ahaa Cabduullaahi Yuusuf” Iyo Shariif oo wadaad dhuuntay uun lagu ogaa, oo madaxweyne laga dhigay.

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa u muuqda kuwa hal taariikh iyo hal riwaayad uun ugu soo celcelinaya Soomaalida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular