Wararka ka imaanaya dhulka ay xooga ku heystaan Yahuudda waxay ku waramayaan in xabsi ay Yahuudu leeyihiin ka baxsadeen maxaabiis muslimiin Filastiiniyiin ah oo sanado halkaas ku xirnaa.
Ugu yaraan 6 maxbuus oo Filastiini ah ayaa la xaqiijiyay iney ka baxsadeen xabsiga sumcadda xun Jalbuuc oo kamid ah xabsiyada ay Yahuudu leeyihiin, kana furan dhulka muslimka ah ee gumeysiga ku jira.
Maxaabiista ayaa la sheegay iney kusoo baxsadeen god ay ka qodeen gudaha xabsiga, iyadoo aaney ka war heyn ilaalada xabsiga, waxaana u suuragashey in si qarsoodi ah halkaas uga soo baxsadaan, soona gaaraan goobo aamin ah.
Ra’iisul wasaaraha Yahuudda oo ka hadlay arintan ayaa ku tilmaamay dhacdo halis badan oo uu sheegay keensaneysa in la bixiyo dadaallo ballaaran oo xaga amniga ah.
Maxaabiista lixda ah ee ka baxsaday xabsiga Yahuudda waxaa lagu kala magacaabaa Zakariya Az-Zubeydi, Fu’aad Naayif, Munaadil Yacquub, Muxamad Qaasim, Yacquub Maxmuud iyo Maxmuud Cabdalla, kuwaasoo dhamaantooda ku eedeysnaa iney fuliyeen weeraro keligii duulnimo oo lagu beegsaday askar iyo dad Yahuud ah.
Tallaabada ay ku baxsadeen maxaabiista waxaa aad ugu farxay muslimiinta caalamka, sidoo kalena waxaa soo dhaweeyey kooxaha muqaawamada Filastiin, kuwaasoo howlgalkan ay kusoo baxsadeen maxaabiista ku tilmaamay mid halyeynimo oo adag.
Waxaa xusid mudan in qaar kamid ah maxaabiista kasoo baxsaday xabsiga Yahuudda ay ku xukunnaayeen xabsi daa’in, kaasoo ah noloshaada haku furato, balse Allaah qadartii iyo kadib isku deygaas ay sameeyeen waxay ku guuleysteen iney kasoo baxsadaan xabsiga Yahuudda.
Maamulka Yahuudda waxaa xabsiyadiisa si dulmi ah ugu xiran kumanaan maxaabiis muslimiin Filastiiniyiin ah, kuwaasoo inta dhulkooda xoog lagu qaatey hadana dembi looga dhigay iney ka hor yimaadaan gumeysiga.