Wararka ka imaanaya Afqaanistaan waxay tilmaamayaan in gobolka Banshiir ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Imaarada islaamiga ah, kadib dagaal socday 6 maalmood oo xiriir ah.
Ciidamada Imaarada islaamiga ah waxay maanta galeen magaala madaxda gobolka Banshiir ee Baazaraak, halkaas oo ay ka taageen raayada Towxiidka.
Afhayeenka Imaarada islaamiga ah Dabiixullaahil Mujaahid wuxuu sheegay iney tani ka dhigantahay dalka Afqaanistaan oo si buuxda usoo galay gacanta Imaarada islaamiga ah, waxa la sugayana ay markan tahay in lagu dhawaaqo dowladda islaamiga ah ee ka hanaqaaday dalka Afqaanistaan.
Axmed Mascuud oo uu dhalay Axmed Shaah Mascuud dagaal ooge hore, ayaa cod uu soo duubay wuxuu ku qirtay guuldarada soo gaartay malleeshiyaadkiisa, wuxuuna sheegay in Dhaalibaan ay diiday waan waan ay wadeen qaar kamid ah culimada diinta Islaamka ee gobolka.
Balse Afhayeen u hadlay Imaarada islaamiga ah ayaa iswaydiiyay waxay kula hadlayaan dagaal oogahan oo horey u diiday inuu isku soo dhiibo maamulka islaamiga ah, maantana isagoo faramaran aan la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay.
Dagaallada Banshiir ka socday waxaa lagu dilay masuuliyiin sar sare oo katirsanaa malleeshiyaadka Axmed Mascuud, waxaana kamid ah afhayeenkii malleeshiyaadkaas iyo ku xigeenkii hogaamiyaha dagaal oogaha ah ee Axmed Mascuud.
Waan ku faraxsnahay muslimiinta oo guul garayan waayo gaalada dhankasta nagala dagalamen ee markasta waxa sugaynaa nasriga alle insha allah
Sida hore nalagu shegay gaal wakhtigeda wuu dhamana masulinta aa hoganka qaban doonta nasrigana waa ujednaa