HomeAll newsKalimad Cusub: Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Dirtay Digniin Culus.

Kalimad Cusub: Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Dirtay Digniin Culus.

Sheekh Cali Maxmuud Raage, Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jeediyay kalimad uu kaga hadlay arimo muhiim ah oo ay kamid tahay  Ahdaafta ay u dagaallameyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, danaha ay hirgelinayaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo waxa la gudboon dadka ku sugan goobaha ay ka socdaan halganka Jihaadka, isagoona sidoo kale diray digniino culus.

Ugu horeyn, Sheekh Cali Dheere, wuxuu ka hadlay ahdaafta ay hubka u qaateen Mujaahidiinta, islamarkaana dooneyso iney xaqiijiso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana kamid ah hirgelinta kitaabka Allaah iyo difaaca dalka.

Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu sidoo kale ka hadlay danaha ay Shisheeyuhu ka leeyihiin Soomaaliya, islamarkaana ay xaqiijinayaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Wuxuu sheegay iney tahay fulinta ajandayaasha reer galbeedka, xaraashidda kheyraadka dalka iyo in dalka oo dhami loo gacan geliyo Itoobiya iyo Kenya.

Hadaba mar uu ka hadlayo waxa la gudboon bulshada Soomaaliyeed ayuu Sheekh Cali sheegay iney la gudboontahay iney isgarab taagaan halganka Jihaadka, wax weliba oo ay heli karaanna ku taageeraan.

Sheekh Cali Maxmuud Raage, Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu sheegay iney diyaar u ihiin iney la niqaashaan cid weliba oo dood ka qabta ahdaafta ay u dagaallamyaaan Mujaahidiinta iyo danaha ay xaqiijinayaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Qeybaha dambe ee kalimadan oo ciwaan loo dhigay, Caddeey wixii lagu amray, kana jeeso Mushrikiinta, wuxuu Sheekh Cali Dheere ku diray diginin culus oo ku socota bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale Sheekh Cali Dheere si gaar ah ula hadlay qabaa’ilka Soomaaliyeed, oo uu kaga digay in Shisheeyuhu u adeegsado dagaal ka dhan ah Mujaahidiinta.

Kalimadan muhiimka ah ee uu jeediyay Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa kusoo aaday xilli qeybo kamid ah dhulka ay ka arimiyaan maamul goboleedyada Shisheeyaha ku daaban ay ka socdaan olole doorasho, waana digniintii labaad oo bilo gudahood kasoo baxda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasoo ku aadan inay dadku iska ilaaliyaan ka qeybgalka doorashooyinkaas.

Digniintii tan ka horeysay waxay kasoo baxday Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaasoo jeediyay kalimad ciwaan looga dhigay tolkeygow Allaah ka yaaba.

فَاصْدَعْ بِمَا تُؤْمَرُ وَأَعْرِضْ عَنِ الْمُشْرِكِينَ – Halkan ka dhagayso kalimadda Sheekh Cali Maxamuud Raage
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular