Nabadoon Xasan Axmed Nuux (Quuri) oo ka mid ah Indheer garadka Mudug ayaa Faah faahin ka bixiyay sida ay u arkaan Dagaalkiii Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Galmudug qaarkood lagu laalayy ee ka dhacay Deegaanka Camaara ee Gobalka Mudug.
Waxa uu baaq u diray Ciidamada weli nool ee Maamuladaas ka tirsan asigoo sheegay in aan danu ugu jirin in ay ku dhintaan Dagaal Maraykanka iyo Shisheeyaha kale dabada ka riixayaan oo danaha Cadawga loogu gogol xaarayo?
Sidoo kale waxa uu baaq u daray qabaa’ilada Dega Gobalka mudug ee lagu beer laxawsanayo Alshabaab ayaa dhulkiina qabsanaya.
Waxaa xusid mudan in wareysigaan aanu qaadnay intii Ciidamadu Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Glamudug aanay ka wada bixin dhufeysyadii ay ku lahaayeen Deegaanada ay ku soo duuleen ee Wilaayada mudug kuwaasoo iminka Alshabaab dib ula wareegtay.
Halkaan ka dhegeyso Wareysi Nabadoon Xasan Axmed Nuur (Quuri)