HomeAll newsOdayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Oo Yeeshey Kulan looga hadlayay Doorashooyinka.

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Oo Yeeshey Kulan looga hadlayay Doorashooyinka.

Wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka 5 gobol oo kamid ah gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ka arinsanayay doorashooyinka la filayo iney qabato Dowladda federaalka.

Odayaasha isku yimid waxay ka kala socdeen gobollada Banaadir, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka, Bay iyo Bakool iyo Gedo, waxaana kulankooda oo dhowr maalmood socday kasoo baxay qodobo muhiim ah.

Odayaasha ayaa waxay hoosta ka xariiqeen inaaney banaaneyn ka qeybgalka doorashooyinkaas, waxayna ugu baaqeen dadka ay matalaan inaaney sinnaba uga qeybgelin doorashooyinkaas.

Halkan ka dhagayso Furitaanka shirka Afhayeenka Golaha

Halkan ka dhagayso Bayaanka Shirka iyo Dardaaran

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular