HomeAll newsWeerarro Saraakiil Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarro Saraakiil Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka dhacay howlgallo kala duwan oo lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan DF.

Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakda Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal iyo askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka.

Weerarka oo ahaa mid qorshaysan islamarkaana si weyn loo soo agaasimay ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim gaar ahaan dhanka xigta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka iyo askariga la qaarijiyay oo ka wada tirsanaa ciidamada nabadsugidda ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu kala magaciibi jiray Qooreey iyo Buulle.

Dhanka kale ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal ka tirsan Guddiga Doorashada ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xassan Maxamed Cilmi oo aha xubin ka tirsan Guddiga Doorashada ayaa wuxuu dilkiisa ka dhacay qeybo kamid ah degmada Dayniile ee gobalka Banaadir.

Weerardaan ayaa ku soo beegmaya xili xalay ciidamo ka tisan Shabaabul Mujaahidiin ay weerar fool ka fool ah ku qaadeen fariisin ay askar ka tirsan ciidanka nabadsugidda ku leeyihiin xaafadda Daalo ee degmada Howlwadaag, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay askartii ku sugneyd goobta la weeraray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular