HomeAll newsAskar Katirsan Koonfur-Galbeed Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobalka Baay.

Askar Katirsan Koonfur-Galbeed Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobalka Baay.

Weerarka oo ahaa mid culus ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen kolonyo Miletery oo ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur-Galbeed oo marayay qeybo kamid ah gobalka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Duleedka deegaanka Goof-Guduud Buurey ayaa ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed lagula beegsaday weerarkaan jidgalka ah, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 9 askari oo ka tirsanaa ciidamadii marti galiyay weerarka ayaa lagu dilay, halka lagu dhaawacay 7 kale waxayna goobta kaga carareen meydadka ilaa 6 askari oo ka mid ah kuwii ku nafwaayay weerarka.

Marka laga soo tago khasaaraha nafeed ee gaaray askarta Koonfur-Galbeed waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarkaan kusoo fuurteen 6 qori oo ay ku jiraan kuwa loo yaqaanno BKM iyo agabyo kale oo millatary.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular