HomeAll newsCiidamada Mujaahidiinta Oo Cagta mariyay Saldhiga Sabiid ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Mujaahidiinta Oo Cagta mariyay Saldhiga Sabiid ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar culus waxay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa DF oo fariisin ku lahaa deegaan katirsan gobalka Sh-hoose.

Saldhigga ciidamada DF ee deegaanka Sabiid ayay ciidamada Al-Shabaab ka weerareen dhowr jiho, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo lagaarsiiyay ciidamada DF.

Waxaa intaa dheer in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaalkii saaka ku soo furteen hub iyo agabyo kale oo millatari, kuwaas oo saldhigga uyiillay ciidamada DF.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay deegaanka, iyagoona goob fagaare ah kula hadlay dadka, waxaana hadda Sabiid ku sugan dagaalyahannada Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular