Maalintii shalay oo Sabti ahayd waxaa dalka Afgaanistaan ka dhacay weeraro xoogan, kuwaas oo ay fuliyeen Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan.
Weerarada dhacay oo tiradoodu gaarayso illaa labo Weerar ayaa waxay ka kala dhaceen magaalada Kaabul iyo gobolka Koonaar ee dhaca bariga dalka Afqaanistaan.
Weerarka ka dhacay Kaabul waxaa fuliyey mid kamid ah Mujaahidiinta, waxaana uu ka dhacay wasaaradda Difaaca ee Xukuumadda Kaabul, iyadoona khasaare xoogan lagu gaarsiiyey Ciidamo halkaas ku sugnaa goobta, waxaan sida warbaahinta Maxalliga sheegayaan ku dhintay 9 Askari.
Barta Twitterka ee Afahayeenka Imaarada Dabixiullahil Mujaahid ayaa lagu xaqiijiyey in Weerarku ay ku dileen 23 Sarkaal oo katirsan Xukuumadda halka ay ku dhaawaceen 29 kale, kuwaas oo dhamaantooda ah Shaqaalaha iyo Ciidamada Xukuumadda Kaabul.
Weerarka ayaa isna waxa uu ka dhacy saacado ka hor kan Kaabul magaalo lagu magacaabo Asad Abaad oo katirsan gobolka Koonaar, waxaana ku dhintay 11 Ruux oo dhamaantooda ah Shaqaalaha dowladda.
Gudoomiyaha Gobolka oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ruux watay Mooto uu soo jiirey dhismo dowladeed oo ku yaalay magaalada Asad Abaad, uuna halkaas ku dilay dad badan.
Dadka dhintay waxaa kamid ah nin lagu magacaabo Xaaji Khan Jaan oo hogaamiya Maleeshiyo beeleed dagaal kula jiray Mujaahidiinta Dhaalibaan, waxaana sidoo kale dadka ku dhaawacmay weerarkaas lagu sheegay 40 Ruux.
Imaarada ayaa wada howlgallo fariid ah kuwaas oo lagu xasuuqayo Maleeshiyaadka Xukuumadda Kaabul iyo madaxdooda, waxaana muuqata ineysan u taag heli karin Xukuumadu ka hortaga Weeraradaas waana sida heysata xukuumadaha dabadhilifka ah ee ay Shisheeyuhu dhisaan sida tan kajirtaba Magaalada Muqdisho.