Fagaare weyn oo ku yaala magaalada Jammaame ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa waxaa lagu soo bandhigay meydadka 2 askari oo katirsna ciidamada maamulka Jubbaland.
Askarta meydadkooda lasoo bandhigay ayaa katirsanaa askar 8 gaareysa oo maalintii shalay lagu dilay weerar qorsheysan oo ay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen fariisin askarta maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.
Dadweynaha Jamaame ayaa aad ugu farxay howlgalkaas, waxayna sheegeen in askartan ay qeyb ka ahaayeen dhibaatada lagu hayo dadweynaha isticmaala jidka laamiga ah ee gala magaalada Kismaayo.
Askarta kale ee weli nool ayaa waxgarad iyo odayaal fagaaraha ka hadlay waxay ugu baaqeen iney kasoo baxaan safka ay ku jiraan, kana mid noqdaan Umadooda.
Dhagayso Jamaame-oo-lagu-soo-bandhigay-meydadka-askar-katirsan-maamulka-Jubbaland