
Habeenkii xalay, dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen ciidamada Xabashida Itoobiya ee fariisinka ku leh garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa ahaa mid u xoogan oo ay Mujaahidiintu si wanaagsan usoo qorsheeyeen, waxaana ciidamada Itoobiya gaaray waxyeello kala duwan.
Baroorta iyo qeyla dhaanta askarta Itoobiyaanka ayaa la maqlayay xilliga ay ciidamada Mujaahidiinta weerarka fulinayeen, waxaana taasi ay muujineysaa in weerarka lagu kediyay askarta Itoobiya.
Ceel-waaq oo katirsan gobolka Gedo ayaa iyana waxaa lagu weeraray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley dalkeena Soomaaliya.
Dhagayso Dagaal-culus-oo-ka-dhacay-Baardheere-iyo-Howlgallo-kale oo ka dhacay gobollo kala duwan.
(Klonopin)