HomeAll newsSaraakiil Lagu dilay Muqdisho iyo Bay iyo Bakool. (Dhagayso Faafaahin).

Saraakiil Lagu dilay Muqdisho iyo Bay iyo Bakool. (Dhagayso Faafaahin).

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay fuliyeen silislado howlgallo ah lagu beegsaday saraakiil katirsan Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo sidoo kale ciidamada Shisheeyaha.

Weerar ka dhacay degmada Xudur, waxaa lagu beegsaday saldhiga ciidamada Xabashida Itoobiya ee magaaladaas, waxaana halkaas ka dhacay dagaal in muda ah socday.

Degmada Bardaale ee gobolka Bay, waxaa iyana ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu khaarijiyay gudoomiye xaafadeed katirsan maamulka Koonfur galbeed, kaasoo lagu magacaabayay Xasan Nuur, labo qori oo AK47 ah ayaana laga furtay.

Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow saldhiga galbeed waxaa lagu dilay sarkaal laba xidigle ah oo magaciisa lagu soo koobay Indha buur, waxaana dilka geystay rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkan ka dhagayso faafaahinta howlgallo dheeraad ah.

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular