HomeAll newsMasuul katirsan maamulka Soomaliland Oo lagu dilay Laascaanood.

Masuul katirsan maamulka Soomaliland Oo lagu dilay Laascaanood.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku waramaya in magaaladaas lagu dilay masuul katirsan maamulka Soomaaliland.

Kooxo hubeysan ayaa toogtay gudoomiyihii guddiga doorashooyinka Sool ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Labo go’le.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay markii ay dhowr rasaas qeybaha sare ee jirkiisa kala heleen Lab Go’le, oo durba halkaas ku quur baxay.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa saaka baaritaanno ka sameeyay magaalada Laascaanood, baaritannadaas oo ay ku raadinayaan kooxdii dilka geystay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka masuulkan katirsan maamulka Soomaaliland, waxaana gobolka Sool uu kamid yahay goobaha ay ku hardamaan oo ay isku hayaan maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular