
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah waxay u dhigeen ciidamo Kenyaati ah oo marayay qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Kenyaatiga ee ku dhacay kamiinka ayaa ku socdaalayay inta u dhexeysa deegaannada Kulbiyow iyo Raaskambooni, waxaana weerarka dhabgalka ah uu ahaa mid aad u culus.
Ilo wareedyo muhiim ah oo la hadlay warbaahinta waxay xaqiijiyeen in dagaalka lagu dilay ugu yaraan7 askari oo Kenyaati ah, iyadoo ay jiraan tiro kale oo dhaawacantay.
Ciidamada Kenyaatiga ee ku dhacay kamiinka ayaa howshoodu waxay ahayd sahay isku gudbin, ciidamada Shisheeyaha ee dalka kusoo duuley ayaana qaati ka taagan sahay isku gudbinta, maadaama wadooyinka ay fadhiyaan ciidamada Mujaahidiinta.