HomeAll newsWeerarro Kala Duwan Oo Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Weerarro Kala Duwan Oo Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shalay iyo xalay howgallo kala duwan oo isugu jira dilal qorshaysan, dagaallo toos ah iyo kamiin waxey ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Rag hubeysan oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay howlgal Cajiib ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari ka tirsan DF.

Askarigaan oo lagu magaabi jiray Isxaaq Maxamed Abuukar ayaa wuxuu caan ku ahaa dhibaateynta dadka muslimiinta ah, isagoona horay dilal ugu geystay dad shacab ah oo ay caruur ku jiraan, kuwaas oo ku noolaa deegaanka Numbar 60 iyo tuulada Falistiin ee hoostagta degmada Janaale ee gobolka Sh/Hoose.

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin deegaanka Danow ee duleedka magaalada Qoryooley, isla Shabeellaha Hoose waxey Mujaahidiinta xalay dagaal ku qaadeen fariisin ay ciidamada DF kaga suganyihiin deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dhanka kale dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shalay waxey weerar dhabagal ah u dhigeen ciidamo lug ah oo ka tirsan kuwa Keyna, kuwaasi oo doonayay iney sahay kala qaataan waxeyna kasoo kala baxeen deegaanada Kulbiyow iyo Rays-kaambooni ee kawada tirsan J/Hoose, waxaana jirta khasaara nafeed oo kenyaatiga lagu gaarsiiyay weerarkaas.

Weeraradaan ayaa waxey ku soo aadayaan xili maalinnimadii shalay ay dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada millatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa DF ay ka dhaceen gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo dhowr mar lagu jabiyay ciidamada huwanta ah, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaaroohin dhimasho iyo dhaawacba leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular