Wararka naga soo gaaray dalka Koonfur Afrika ayaa waxay tilmaamayaan in halkaas lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkaasi ku lahaa goobo ganacsi.
Dalka Koonfur Afrika waxaa waayahaan danbe ka socday rabshado, dilal iyo boob hantiyadeed oo ay geysanayeen burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas islmarkaana lagu beegsanayay dadyoowga kala duwan oo ganacdiga u tagay halkaas.
Sidaan ku heyno wararka sacadihii lasoo dhaafay waxaa rabshadahaas iyo iska hor imaadyadaas lagu dilay afar dbalinyaro ah oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku lahaa goobo ganacsi.
Ganacsatadaas Soomaaliyeed ee la dilay ayaa magacyadooda waxay kala yihiin Maxamud Qooje, Goosaar Ganeey, Mahad Ciise Baadi iyo Sarjaan Cali.
Waxaa xusid mudan in ku dhowaad 10 ganacsato Soomaali ah oo dalka Koonfur Afrika mehrado ku lahaa halkaas lagu dilay hal todobaad gudahiisa islamarkaana lagu boobay hantidoodii.