Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed ee magaalada Diinsoor.
Weeraro toos ah ayay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen saldhigyada ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee Diinsoor, waxaana la maqlayay jugta daryanka rasaasta ay is weydaarsanayeen.
Madaafiic ayaaa sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxay ku garaaceen saldhiga ciidamada Itoobiya ee Diinsoor, ugu yaraan 10 madfac ayaana ku dhacay gudaha xerada.
Waxaa kaloo jira weeraro lagu qaaday ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Baar Sanguuni iyo Kudhaa ee katirsan Jubbada Hoose.
Halkan ka dhagayso Faafaahinta howlgalladaas.