Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa habeenkii xalay ka dhacay qaraxyo lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Qaraxa koowaad waxa uu ka dhacay bar kontorool oo ay ku sugnaayeen askarta Dowladda federaalka taasoo ku taalla degmada Kaaraan.
Qaraxa labaad, waxa lala beegsaday ciidamo ku sugnaa nawaaxiga Daallo ee degmada Howlwadaag ee Muqdisho.
Qaraxa saddexaadna waxaa lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo ku sugnaa xeradii Guulwadayaasha dhanka Dayniile.
Dhagayso Faafaahinta howlgalladan iyo weeraro ka dhacay Bay iyo Jubbooyinka.