HomeAll newsJabhadda Al-Nusra oo War cad kasoo saartey Xabad Joojintii Ruushka iyo Mareykanku...

Jabhadda Al-Nusra oo War cad kasoo saartey Xabad Joojintii Ruushka iyo Mareykanku ka gaareen Suuriya.

441Mu’assasada Warbaahineed ee Manaaratul Baydaa ayaa baahisay kalimad maqal ah oo uu jeedinayo sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani oo ah amiirka Jabhadda Al-Nusra ee dhulka Shaam.

Kalimada oo ciwaan looga dhigay “ kani waa Yabooyihii Alle iyo Rasuulkiisa” ayaa shiikha waxa uu kaga hadlay mowqifka Jabhadda ee ku aadan Xabad joojintii dhawaan la dhex dhigay Nidaamka Bashaar iyo inta badan kooxaha Mucaaradka Suuriya ee Reer galbeedku wax u yeeriyaan.

Abuu Muxamed waxa uu ku tilmaamay xabad joojintaas mid Dullinimo iyo hoog ah, isagoona ugu baaqay Shacabka Shaam iney ka dhiidhiyaan islamarkaana Sii wadaan dagaalkooda ka dhanka ah Murjimka Bashaar Al-Asad.

Wuxuu ku tilmaamay Xabad joojintaas iney dan u tahay Nidaamka Bashaar ee sii liicaya, isagoona sheegay in ugu dambeyn ay Arintu isugu biya shuban doonto, waa hadii la dhaqan galiyo Xabad joojinte in Kooxuhu ku biiraan Nidaamka dibna loo dhiso Ciidan hoos taga Nidaamka, kaas oo halkiisa kasii wada gumaadka ka dhanka ah Muslimiinta Shaam.

Amiirka Jabhadda Sheekh Abuu Muxamed Al-Jowlaani ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Fasaa’isha qaar ay ka sugaan Mareykanka iyo Ruushka iney garsoore cadaalad ah ka noqdaan qadiyadda Shaam.

Kacdoonka Suuriya ayuu Shiikhu ku tilmaamay inuu yahay Kacdoon Sharaf iyo Jihaad ah, islamarkaana maalin uusan noqon kacdoon Baahi, isagoo dafiraya wararka qaar kamid ah kooxaha Mucaaradku baahiyeen ee ah in sababta Xabad joojintu u qaateen ay tahay go’doonka saaran qaar kamid ah magaalooyinka Suuriya.

Kalimadan oo soconeysa 21 daqiiqo waxa uu Shiikhu baaq ugu direy dadka Muslimiinta ah ee ku nool Mandiqadda, isagoona ku booriyey in Muslimiinta Shaam ku taageeraan hanti, hub iyo wax waliba oo ay awoodaan, isagoona muujiyey in hadii Rawaafidu ka adkaato dagaalka Shaam ay la wareegeyso guud ahaan wadamada Islaamka.

Ciidamada Mujaahidiinta Jabhadda iyo dhamaan kooxaha kale ayuu Shiikh Jowlaani ugu baaqay iney Jihaadka sii wadaan, waxaana uu sheegay iney u muuqato ama ay dhowdahay maalinkii ay iyagoo Faatixiin ah gali lahaayeen magaalada Dimishiq caasimadda dalka Suuriya.

Dowrka Muhaajiriinta ku sugan Shaam ayaa mar kale adkeeyey Shiikh Abuu Muxamed, waxaana uu sheegay iney yihiin walaalo u nusreeyey Reer Shaam, dhankoodana aysan dayici doonin islamarkaana ay yihiin dad Ahlu Karam ah, isagoona kula taliyey iney ku sugnaadaan Dariiqa Jihaadka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular