HomeAll newsWeeraro ka kala dhacay Muqdisho iyo Qeybo kamid ah Jubbada Hoose. (Dhagayso)

Weeraro ka kala dhacay Muqdisho iyo Qeybo kamid ah Jubbada Hoose. (Dhagayso)

 

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay fuliyeen weeraro lagu beegsaday ciidamada Dowladda federalaka iyo kuwa Kenya ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Jubbada Hoose, ciidamada Kenya ayaa lagu weeraray deegaannada Kulbiyow iyo Taabto, waxaana dagaalladu ahaayeen kuwa culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo aynaan helin xogo rasmi ah oo ku aadan khasaaraha gaaray ciidamada Kenya, hadana dagaallada ayaa ahaa kuwa xoogan oo in muda ah soconayay.

Dhinac kale, gudaha magaalada Muqdisho ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar toos ah waxay ku qaadeen fariisin ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin xaafadda Iftin ee degmada Yaaqshid.

Lama oga khasaaraha ka dhashey weerarkan.

Halkan ka dhagayso dagaallo-ka-dhacay-magaalada-Muqdisho-iyo-Jubbada-Hoose iyo firxadka Ciidamada DF ee Shabeellaha Dhexe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular