HomeAll newsDegdeg: Weerar Nafhurnimo Ah oo Ka Dhacay Biyo Cadde oo Ay Saraakiil...

Degdeg: Weerar Nafhurnimo Ah oo Ka Dhacay Biyo Cadde oo Ay Saraakiil iyo Askar Ku Dhinteen.

Weerar loo adeegsaday gaari miineysan ayaa saaka lala beegsaday xarun talis ah oo ay ciidamada DF ku leeyihiin degaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus oo jugtiisa laga maqlay degmooyin iyo degaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka ayaa geystay khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbubur gaadiid.

Dadka ku dhintay kuna dhaawacmay ayaa isugu jira saraakiil iyo ciidamo sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah, waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee waayahan dhow ka dhaca Sh/dhexe.

Tirada dhimashada ayaa ah tobanaan halka dhaawaca uu ka badan yahay waxaana kamid ah taliye-yaasha dhaawacmay Saney Cabdulle oo ah taliyaha Guutada 4-aad, halka uu si dirqi ah uga badbaaday Odawaa oo ah taliyaha guud ee ciidamada DF.

Intaa waxaa dheer oo uu weerarkan burburiyay hub iyo gaadiid labo ah. Todobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamadan DF dagaal looga soo saaray degaanka Warciise ee isla gobolka halkaasoo looga dilay 21 askari, loogana dhaawacay tobannaan kale.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Maashaa allaah Alaha barakeeyo intii qor sbey say Istish haadidigana Alaha ka aqbalo Shahaada diisa mur tadiinta Waxa aan leenahay masiirukum ilaa jahanama bi if I laah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular