HomeAll newsXarun Ganacsi Oo Soomaali leedahay Oo Lagu boobay Koonfur Afrika.

Xarun Ganacsi Oo Soomaali leedahay Oo Lagu boobay Koonfur Afrika.

Dukaan Soomalidu leeyihiin oo ay dheceen burcad.

Wadanka Koonfur Africa waxaa kusii kordhaya dhaca iyo boobka iyo xitaa dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo goobahooda ganacsiga.

Xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Johnesberg ee wadanka Koonfur Afrika ayaa lagu soo waramayaa in la boobay isamarkaana aan waxba looga tagin.

Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya iyadoo dadweyne tiro badan oo Koonfur afrikaan ah ay farqaha ka buuxsanayaan badeecadihii kala duwanaa ee yaalay xarunta ganacsi.

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas ayaa sheegay iney dacwo u gudbiyeen booliiska wadanka, balse aan wax jawaab ah la siinin.

Koonfur Afrika waxaa ku sugan bulsho badan oo Soomaaliyeed, waxaana si joogta ah uga dhaca dillal iyo boob loo geysto dadka Soomaaliyeed, waxaana dadka waxgalka ah tilmaamayaan in loo baahanyahay in Soomaalidu kusoo noqdaan wadankooda.

Halkan ka dhagayso Xarun ganacsi oo lagu boobay Koonfur Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular