HomeAll newsCiidamada Kenya iyo Jabuuti Oo Lagu Weeraray Jubbooyinka iyo Galgaduud.

Ciidamada Kenya iyo Jabuuti Oo Lagu Weeraray Jubbooyinka iyo Galgaduud.

 

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday weeraro kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada duulaanka ku jooga wadankeena Soomaaliya.

Qooqaani iyo Kudhaa oo kamid ah Jubbada hoose waxaa lagu weeraray ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley dalkeena Soomaaliya.

Sida ay soo wariyeen goobjoogayaal, dagaallada ayaa ahaa kuwa aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinac kale, magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa lagu weeraray askarta Jabuuti ee Shisheeyaha ku taageeraya duulaankooda Soomaaliya.

Weerarka ayaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxay kusoo aadeen weeraradan iyadoo maalintii shalay inta u dhexeysa Golweyn iyo Danow oo katirsan Shabeellaha Hoose qarax lagula beegsaday askar Yugaandhees ah oo lugeynayay, halkaasna waxaa looga dilay hal askari.

Halkan ka dhagayso Faafaahin howlgalladii ugu dambeeyay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular