Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka ayaa ku waramaya in toogasho ka dhacday gobolka Texas ee dalka Maraykanka.
Rag hubeysan ayaa bartamaha magaalada Oston ee gobolka Texas waxay ka geysteen toogasho aan loo meel dayin, taasoo dhalisay waxyeello.
Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhaawacantay toogashada, kuwaasoo qaar kamid ah xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.
Sarkaal u hadlay booliiska gobolka wuxuu sheegay in ugu yaraan 2 ruux uu dhaawacooda aad u liito, hadana lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka ee gobolka.
laba todobaad kahor ayay ahayd markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay ka dhaceysay xaflad oo ku taalla gobolka Florida ee Maraykanka, taasoo ay ku dhinteen 2 ruux, sidoo kalena ku dhaawacmeen 20 kale.
Gudaha Maraykanka waxaa aad ugu sii kordhaya weerarada toogashada ah ee ay gensayaan muwaadiniin Ameerikaan ah, islamarkaana dhalinaya waxyeello kala duwan.