HomeAll newsHalkuu Maraya Qorshaha uu Maraykanka Uga baxayo Afqaanistaan. (Warbixin)

Halkuu Maraya Qorshaha uu Maraykanka Uga baxayo Afqaanistaan. (Warbixin)

Dowladda Maraykanka ayaa si dardar leh waxay uga wadaa wadanka Afqaanistaan qorshaha ay ciidamadeeda ugala baxeyso wadankaas oo ay duulaan milliteri oo gardaro ah ku joogto waqti Dhawan 20 sano oo xiriir ah.

Tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu si cad u sheegay iney ka go’antahay in ciidankiisa uu kala baxo wadanka Afqaanistaan, waxay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka The Pentagon billowday iney fuliso amarka madaxweynaha, ciidamadana ay si tartiib tartiib ah uga soo saarto wadanka Afqaanistaan.

War kasoo baxay milliteriga wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in 44 % (Boqolkiiba)  howsha ka bixitaanka wadanka Afqaanistaan ee ciidanka Maraykanka ay dhameystirantay.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan ayaa lagu sheegay in ciidamo badan oo Ameerikaan ah laga daad gureeyay wadanka Afqaanistaan, diyaarado milliteri iyo qalabyo kalena laga daabulay wadanka, iyadoo la adeegsanayo qorshayaal milliteri.

Arinta la yaabka leh ee lagu sheegay bayaanka kasoo baxay ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Afqaanistaan waxay tahay in 13 kun oo gaari iyo hub isugua jira la qorsheeyay in la burburiyo, si aaney gacanta ugu dhigin Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan oo isku fidineysa wadanka Afqaanistaan.

Sida lagu cadeeyay bayaanka, diyaaradaha milliteri ee uu Maraykanku ka daad gureystay Afqaanistan waxay gaarayaan 300 oo diyaaradood oo ah noocyada xamuulka qaada.

Saldhigii lixaad ee ku yaala wadanka Afqaanistaan horeyna ay ugu sugnaayeen ciidamada Maraykanka ayaa lagu wareejiyay ciidamada xukuumadda Kaabul, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Maraykanku wareejiyo saldhiga ugu weyn ee uu kuleeyahay Afqaanistaan.

Sarkaal sare oo katirsan ciidamada xukuumadda Kaabul, lana hadlay warbaahinta, isagoo diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa sheegay in 20 maalmood gudahood la filayo in ciidamada Maraykanka ay xukuumadda Kaabul ku wareejiyaan saldhiga Bagram oo ah saldhiga ugu weyn ee uu Maraykanku kaga sugnaa wadanka Afqaanistaan, una adeegsan jiray xabsi uu ku dhibaateeyo muslimiinta Afqaanistaan.

Sarkaalkan la hadlay warbaahinta caalamiga ah wuxuu sheegay suurtagalnimada in waqti ka yar 20 maalmood gudahood uu Maraykanku soo wareejiyo saldhiga Bagram, sababo ku aadan iyadoo ay si xowli ah ku socoto qorshaha uu Maraykanku kaga cararayo wadanka Afqaanistaan.

Dhagayso Halkuu-Marayaa-Qorshaha-Maraykanka-uga-baxayo-Afqaanistaan?

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular