Ugu yaraan 23 ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Xeebaha waddanka Tuunis kadib markii ay la degtay dooni ay saarnaayeen.
70 ruux oo kamid ah Tahriibayaashaan oo doonayay inay maraan Xeebaha Liibiya kadibna uga sii gudbaan talyaaniga ayaa lasoo bad baadiyay sida ay soo tabinayso warbaahinta waddankaas.
Sarkaal la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Sheegay in 23 ruux ay ku maashoodeen biyaha badda, halka 70 kalana lasoo badbaadiyay, kadib markii doon ay saarnaayeen dadkaan oo ahaa 93 ruux ay kula degtay Xeebaha Tuunis.
Sidoo kale 39 ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay xeebta magaalada Safaaqis ee ku taalla waddanka Tuunis, kadib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen.
Waxaa xusid mudan in 120 ruux oo tahriibayaal ah isbuucyadii ugu dambeeyay ay ku dhinteen Xeebaha Tuunis, kuwaas oo doonayay inay ugudbaan wadamada reer galbeedka.