HomeAll newsSaldhiga Xabashida ee Baardheere Oo La Weeraray iyo Dagaallo ka dhacay Shabeellaha...

Saldhiga Xabashida ee Baardheere Oo La Weeraray iyo Dagaallo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

 

Habeenkii xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qeybtooda ka howlgasha wilaayada islaamiga ah ee Gedo waxay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere, halkaas oo fariisin u ah ciidamada Xabashida Itoobiya.

Dagaal in muda ah socday ayaa ka dhacay goobta, waxaana la isku adeegsaday hub cul culus, iyadoona lagu kediyay ciidamada Itoobiyaanka rasaata iyo dagaalka.

Teendhooyin kamid ah goobihii ay ku hooyanayeen ciidamada Shisheeyaha xabashida Itoobiya ayaa lagu gubay weerarka, waxaana jira khasaare kala duwan.

Dhinac kale, ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu weeraray saldhigyada milliteri ee Buulomareer, Bariire, Sabiid iyo deegaanno kale.

Weerarada ayaa ahaa kuwa xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ay socdeen in muda ah.

Halkan ka dhagayso Faafaahin howlgalladii ugu dambeeyay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular