HomeAll newsWasiirkii Shaqada iyo Gaadiidka ee Uganda Oo Kampla Lagu Weeraray.

Wasiirkii Shaqada iyo Gaadiidka ee Uganda Oo Kampla Lagu Weeraray.

Wararka ka imaanaya magaalada Kampla ee caasimadda wadanka Uganda ayaa ku waramaya in wasiirka shaqada iyo gaadiidka ee xukuumadda Yuweri Museveni lala beegsaday weerar qorshaysan.

Kooxo hubeysan ayaa rasaas ooda uga qaaday gaari uu la socday wasiirka, kaasoo marayay deegaanka Kiasasi, ee hoostaga magaalada caasimadda ah ee Kampla.

Kooxda weerarka fulisay oo watay mootooyinka dheereeya ayaa ka koobnaa 4 ruux, waxayna rasaasta ay la dheceen gaariga wasiirka ku dhawacay wasiirka, halka ay ku dhinteen darawalka wasiirka iyo gabar uu dhalay.

Wasiirka Shaqada iyo gaadiidka dalka Uganda ninka lagu magacaabo Katumaba Wamala horeyna usoo noqday taliyaha ciidamada  ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Kampla, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Kooxda weerarka fulisay ayaa ka baxsaday halka ay weerarka ka gaysteen, waxaana dalka Uganda kusoo badanaya weerarada noocaan ah ee lagu beegsado masuuliyiin katirsan dowladda, Siyaasiyiin iyo xitaa xubno kamid ah bulshada.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular