Qof hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad Ameerikaan ah kuwaas oo ku sugnaa gudaha shirkad ku taalla mid kamid ah gobolada dalka Mareykanka.
Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Kansas ee bartamaha dalka Mareykanka, waxaana qof hubeysan uu rasaas la dhacay dad ku sugnaa gudaha shirkad lagu magacaabo Accel, isagoona halkaas ku dilay kuna dhaawacay tiro badan.
Warbaahinta Mareykanka ayaa warar kala duwan oo dhanka khasaaraha ah baahinaya, waxaana qaarkood ay sheegeen in dhimashadu ay tahay 4 Ruux, halka warbaahin kale oo soo xiganeysa Sarkaal Booliis ah ay baahiyeen in dhimashadu tahay 7 Ruux islamarkaana dhaawacu marayo 30 Ruux oo qaarkood xaaladoodu halis tahay.
Saraakiisha Booliiska ayaa ku tilmaamay weerakan mid naxdin leh, waxaana ay sheegeen in ninkii goobta weerarka ka fuliyey ay dileen islamarkaana haatan ay socdaan baartitaano lagu ogaanayo waxa uu yahay ninkaas.
Mareykanka waxaa mudooyinkan dambe si joogta ah uga dhacaya weeraro xoogan kuwaas oo gallaafanaya nolosha dad badan oo Ameerikaan ah.