Dagaallo iyo qaraxyo ayaa shalay iyo xalay ka dhacay qeybo kamid ah gobalada shabeellaha hoose,Bakool iyo dulleedka Muqdisho,
Faafaahin dheeraad ah ayay idaacada Alfurqaan ka heshay dhowr qarax oo shalay ka dhacay inta udhaxaysa magaalooyinka Ceelbarde iyo Xudur oo katirsan gobalka Bakool.
Afar askari oo miino baarayaal ah ayaa ciidamada Itoobiya kaga dhintay ilaa iyo shan qarax oo si is xig xigta ah lagula beegsaday wadadaasi.
Mas’uuliyadda qaraxyada waxaa sheegatay xarakada shabaabul mujaahidiin oo marar badan gobalka Bakool ku leysay Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka Soomaaliya.
Dhanaca kale dagaallo ayaa xalay lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda.
Dagaal muddo kooban socday ayaa lagu qaaday ciidamada Soomaalida ah ee ku sugan gudaha Baladweyn.
Sidoo kale waxaa shisheeyaha iyo Soomaalida ushaqeysa xalay lagu weeraray Siinka dheer,Arbacow iyo calamada ee duleedka Muqdisho.