Wararka naga soo gaaraya waddanka Cameroon ee dhaca Bartamaha qaarada Afrika ayaa waxay sheegayaan in waddankaas uu ka dhacay Shil geestay khasaase xooggan oo ay dad badan ku dhinteen.
Shilkaan khasaaraha geestay ayaa yimid kadib markii gaari Bas rakaab ah ay isku dhaceeen gaari xamuul ah oo shidaal u waday galbeedka waddanka Cameroon, taas oo keentay in dab xoogan uu halkaas ka kaco, islamarkaana geysto khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo garay dadkii saarnaa 2-da gaari ee isku dhacay.
Inta laxiijiyay shilkaan waxaa ku dhintay 53 ruux waxaana ku dhaawacmay 29 kale oo dhaawacoodu yahay mid daran madaama jirkoodu uu sixun ugubtay sida uu u sheegay wakaalada wararka ee AFP sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka.
Guddoomiyaha degmada Dachang oo ah halka shilku uu ka dhacay, ayaa saxaafada u sheegay in dadka dhintay la aqoosan waayay heebtooda maadaama jirkooda uu dhamaantiis gubtay lana kala saari la’yahay rag iyo dumar midka ay yihiin.
Waddanka Cameroon ayaa ka mid ah dalalka ay ka dhacaan shilalka gawaarida, iyadoo sanadkii 2018, shilalka ka dhacay dalkaaan ay gaarayeen 6,873 shil, Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka.