HomeAll newsToogasho sababtay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacday Maraykanka.

Toogasho sababtay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacday Maraykanka.

Wararka aan ka helayno magaalada Phoenix  ee ka tirsan gobolka Arizona ee waddanka Mareykanka ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay weerar toogasho ah.

Booliska Maraykanka ayaa xaqiijiyay in hal qof uu dhintay Afar kalana ay dhaawaceen kadib toogasho ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Phoenix ee gobalka arizona.

Kanaal maxali ah oo soo xiganaya Sarkaal ka tirsan Waaxda Gurmadka deg dega ah ee magaalada ayaa sheegay in toogashadu ay dhacday waaberigii maanta oo Axad ahayd  ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan seddax ruux  kuwaas oo kooxaha gurmadka deg dega ah ay u qaadeen isbitaalka.

Shalay ayay aheyd markii Booliska Maraykanka uy qabteen nin ka soo jeeda gobolka Virginia kaas oo doonayay inuu ka gudbo bar kontorool oo ay booliisku kaga sugan yihiin bartamaha magaalada Washington,  isagoona sitay waraaqo been abuur ah oo uu kaga qeybgalayo caleemo saarka Biden, bastoolad iyo in ka badan 500 oo rasaas ah.

Waayahaan Wadanka Mareykanka waxaa ka taagan qalqal amni iyo jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii muranka dhalisay ee dhawaan ka dhacday wadankaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular