HomeAll newsWeeraro Kala Duwan Oo Ka Dhacay jubada hoose iyo Shabeellaha Hoose.

Weeraro Kala Duwan Oo Ka Dhacay jubada hoose iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa Habeenkii xalay Iyo Shalay Galinkii Dambe waxa ay Fuliyeen Howgallo kala duwan oo isugu jira Duqeymo , Weeraro iyo qarax xooggan oo lala beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo askarta dowladda federaalka kuwaas oo ka kala dhacay Gobollo ka tirsan dalka Soomaliya.

Ciidamada Alshabaab ayaa shalay Galinkii dambe waxa ay Gantaallo la beegsadeen diyaarad sahay uwaday ciidamada ugandha  taas oo ku sugnayd Garoonka diyaarada Dagmada Baraawe ee shabeellaha hoose .

Illa wareedyo Mas’uul ah ayaa inoo xaqiijiyay in duqeymahaasi ay ka dhasheen khasaare soo gaaray ciidamada Ugandha ee xooga ku heysta Dagmada Baraawe.

Sidoo kale Ciidamada Alshabaab ayaa weerar Madaafiic waxa ay ku qaadeen ciidamada Milatariga Keynya ee ku sugan Deegaanka Hosingow ee jubada hoose.

Dhowr Madfac ayaa gudaha ugalay xerada ciidamada Kenya , iyadoona la arkayay uuro madow oo cirka isku shareertay .

Xalay sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ayaa ku rogaal celiyay ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hosingow  halkaasi oo uu ka dhacay Dagaal culus ,

Dhinaca kale Qarax culus ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka kuwaas oo ku sugnaa Deegaanka Lafoole ee gobolka shabeellaha hooose.

Qaraxa oo ahaa mid aaad u xooggan ayaa laga maqlay gudaha deegaanka ,waxaana la rumeysanyahay in ay ka dhasheen khasaare gaaray cidamada dowlada federaalka.

Alshabaab ayaa kordhisay dagaallo ay ku qaadeyso ciidamada Amisom.kuwa dowladda iyo ciidamada maamul gobaleedyadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular