HomeAll newsItoobiya oo dishay wasiirkii Horre ee Arrimaha dibada Itoobiya Siyuun Musfin.

Itoobiya oo dishay wasiirkii Horre ee Arrimaha dibada Itoobiya Siyuun Musfin.

War lasoo dhigay twiterka ayay dowladda Itoobiya ku sheegtay inay dishay saraakiil sare oo katirsan xisbiga Tigreega ee Tplf oo dagaal kula jira dowladda uu hogaamiyo Abiya Axmed.

Saraakiisha la dilay ee caanka ka dhex ah Itoobiya waxaa kamid ah Siyuun Musfin oo ahaa wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya intii udhaxaysa 1991-kii ilaa 2010-kii.

Siyuun Mudadaasi wuxuu kamid ahaa dadka ugu caansan ee Itoobiya uqaabilsanaa faragalinta Soomaaliya.

Tplf weli kama aysan hadlin sheegashada Itoobiya.

Saraakiisha la qabtay waxaa ku jira wasiirkii hore ee arimaha federalka Abay Tsehaye

Itoobiya ayaa guullo ka sheegatay dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya ee udhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular