Iyadoo illaa iyo hadda aysan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka hadal tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya laga dilay iyo maxaabiista laga qabsaday, sidoo kalana ay dowladda Kenya ka gaabsatay arrintaas ayuu Xassan Sheekh shaaca ka qaaday in laga dilay Kenyaatiga askar kor u dhaafeysa 180.
Isagoo Turkiga kula hadlayay mid kamid ah idaacadaha la iska arko ee Soomaalida ayaa la weydiiyay sababta keentay in Kenya uu tacsi u tago islamarkaana uu garab maro shacabka Soomaaliyeed ee ay isla ciidamada dalkaasi xasuuqa u geysteen.
Wuxuu sheegay in Kenya ay mudan tahay arrintaas isagoo ku andacooday in laga dilay in ka badan 180 oo askari ama wax ku dhow 200. “Kenya waxaa laga dilay boqol iyo sideetan iyo jarjar ama wax ku dhow laba boqol ee maxaan sameyn lahaa haddaan sidaa yeelin” ayuu yiri’ Xassan Sheekh.
Xassan ayaa u sujuuday meydadkaasi tirada badan ee ciidamada Kenya looga dilay degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, taasoo ay si weyn uga caroodeen shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad intaba.