HomeAll newsKoongareeska oo Ansixiyay guusha Biden iyo Trump oo xilka wareejinaya.

Koongareeska oo Ansixiyay guusha Biden iyo Trump oo xilka wareejinaya.

Golaha Koongareyska Mareykanka ayaa fadhi wada jir ah oo ay yeesheen khalalaasihii shalay kadib waxay maanta si buuxda u ansixiyeen guushii Joe Biden ee doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Kalfadhiga ayaa hakad galay shalay markii  taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay xoog kula wareegeen aqalka Koongarayska.

Tani waxay  dhabaha u xaaraysaa in Biden uu la wareego xilka madaxweynaha Maraykanka 20-ka bishaan Janaayo ee aynnu ku jirno.

Inta badan xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyay guusha Joe Biden ee uu kasoo hoyay  doorashadii madaxtinimada.

Taageerayaasha Trump ayaa shalay qalqal galiyay Maraykanka markii ay si lama filaan ula wareegeen dhismaha Congarayska Maraykanka.

Taliyaha Waaxda Booliska  Mareykanka Robert Conte ayaa sheegay in 4 qof ay ku dhinteen rabshadihii  maalintii Arbacada.

Trump ayaa aqbalay inuu wareejiyo xilka 20-ka bishaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular