Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan ee nawaaxiga isgoyska Number 4 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa haleelay gaari cabdi bile ah oo qeyb ka ahaa kolonyo galbinaysay taliyaha guud ee ciidamada Asluubta dowladda federaalka.
Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo ay sheegatay xarakada Alshabaab.
Wararka ayaa sheegaya laba askari oo katirsanaa ilaalada taliyaha ay ku dhinteen qaraxa.
Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya weerarada xarakada Alshabaab ay ku buugsanayso dowladda.
Xalay ayay ahayd markii dagaal fool ka fool ah lagu qaaday ciidamo ku sugan nawaaxiga isgoyska daallo ee Muqdisho.