HomeAll newsSaraakiil iyo Ciidamo Turki ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Lafoole.

Saraakiil iyo Ciidamo Turki ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Lafoole.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa ku waramaya in howlgal nafhurnimo ah lala beegsaday Saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda Turkiga.

Naftii hurre katirsan Alshabaab  ayaa beegsaday saraakiil Turki ah kuwaasi oo ay ilaalinayeen ciidamo katirsan dowladda Turkiga iyo kuwa dowladda federaalka.

Xarakada mujaahidiinta Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda howlgalkaan ayaa intaa ku dartay inay dishay sarkaal Turki ah laba kale oo saraakiil ahna ay ku dhaawacday howlgalka.

Sidoo kale waxaa camaliyadaasi ku dhaawacmay ilaa 3 askari oo Turki ah kuwaasi oo ilaalo u ahaa saraakiisha la beegsaday.

Waxaa sidoo kale howlgalkaan ku dhintay 2 askari oo katirsan dowladda kuwaasi oo iyagana ilaallo u ahaa saraakiisha camaliyada lala beegsaday.

Alshabaab ayaa horay udishay saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda Turkiga oo qeyb ka ah dowladaha faragalinta ku haya wadanka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular