HomeAll newsWeerar Lagu Qaaday Isbaaro Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Muqdisho.

Weerar Lagu Qaaday Isbaaro Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Muqdisho.

Habeenkii xalay, ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xoogan waxay ku qaadeen bar isbaaro ah oo ay ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin degmada Yaaqshiid.

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, oo in muda ah socday, waxaana ciidamada Dowladda federaalka ka firxadeen goobtii ay ku sugnaayeen.

Goobta la weeraray ayaa waxay isbaaro u ahayd ciidamada dowladda federaalka, waxayna ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah iyo gawaarida dadweynaha.

Walow aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalka hadana waxaa la rumeysanyahay iney jirto waxyeello gaartay ciidamada Dowladda federaalka.

Halkan ka dhagayso Ciidamada Dowladda federaalka oo lagu weeraray Muqdisho

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular