Boqollaal ruux oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maalintii shalay waxay banaanbaxyo waaweyn ka dhigeen magaalooyin waaweyn oo kamid ah kuwa uu ka arrimiyo maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Deni.
Dadka ka qeybgalayay banaanbaxyada waxay u badnaayeen ganacsatada ku dhaqan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Puntland, waxaana ka cabanayeen amar kasoo baxay maamulka.
Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa kamid ah goobaha ay ka dheceen banaanbaxyada, waxayna ganacsatadu ka hor yimaadeen amar uu maamulka Puntland soo saaray oo ahaa in lacagta shillin soomaaliga ah laga ogoleyn dekadda caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.
Halkan ka dhagayso Banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay magaalooyinka maamulka Puntland