Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro culus ku qaadeen difaacyo ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin magaalooyinka Jannaale iyo Afmadow oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose.
Jannaale, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen saldhiga ciidamada Shisheeyaha kaga suganyihiin magaaladaas.
Dagaalka waxa uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu socday in muda ah.
Afmadow, ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Jubblaand ay ku leeyihiin degmadaas.
Weerarka oo in muda ah socday, waxaa lagu soo waramayaa inuu dhaliyay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada maamulkaas ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.