Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in qarax xoogan xalay lagu weeraray bar kontorool oo ay magaalada kaga sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan jugtiisana laga maqlay xaafado katirsan magaalada Gaalkacyo ayaa dhaliyay waxyeello gaartay qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa halka uu ka dhacay.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Puntland ee qaraxa lagu weeraray.
Masuuliyadda qaraxan ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa iska leh Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida laga soo xiganayo warbaahinta ku hadasha afkeeda.
Gaalkacyo waxay kamid tahay magaalooyinka ay ka dhacaan howlgallada milliteri ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsadaan askarta iyo masuuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug oo isla maamula magaalada.
Halkan ka dhagayso Askar ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Gaalkacyo