
Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashey dagaalkii weynaa ee deegaanka Bacaadweyn ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda federaalka.
Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan, socdeyna dhowr saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda federaalka, iyadoo dhimashada oo keliya ku dhowdahay lixdan akari.
Warar lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan in dagaalkii Bacadweyn dowladda federaalka looga dilay 53 askari oo katirsna guutada 21aad ee ciidamada milliteriga Dowladda federaalka, halka dhaawacyo ay jiraan.
War kasoo baxay taliska milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu yiri “”Howlgalladii ay ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen deegaanka Bacaadweyn ee wilaayada Mudug waxaa murtadiinta looga dilay 53 askari halka laga qabsaday 6 baabuur oo ay ku xiranyihiin dhashiikayaal iyo Zuugag”.
Gawaarida dagaalka ee ay qoriyaasha ku rakibanyihiin ayaa u gacan galay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna gaarayaan ilaa 6 babuur oo ay ku rakibanyihiin qoriyasha Zuuga iyo Dhashiikaha.
Saraakiil u hadlay dhinaca dowladda federaalka waxay xaqijiiyeen in khasaare uu kasoo gaaray dagaalkii Bacaadweyn, balse waxay ka gaabsadeen tirada rasmiga ah.
Marka laga soo tago dagaalkii Bacaadweyn, waxaa jiray qarax culus oo lala beegsaday gurmad ciidan oo kasoo baxay degmada Hobyo, waxaana qaraxa lagu burburiyay gaari tikniko ah, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 11 askari.