“ Hadalka Fudud ee ka hadlaya waajibnimada in Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam loogu hiiliyo in qooraha la gooyo, lana nooleeyo waajibka Argagax gelinta” waa maqaal uu qoray Sheekh Saamil Cureydi oo kamid ah culimada Mujaahidiinta Shaam, kaas oo ay baahisay mu’assasasada Shaamu Ribaad ee ku hadasha afka Jamaacada Xurraasu diin.
“ Warqadahan waxaan ku qorayaa hadal sahlan, oo fudud, kaas oo aan guud ahaan muslimiinta caalamka kala hadlayo waajibnimada in lo hiiliyo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, iyadoo la dilayo qofki caayay ee ku jeesjeesay, iyo sidoo kale inay waajib tahay in la nooleeyo fariidada argagax gelinta, oo ahayd sifaadkii ugu muuqday ee ay lahaayeen Saxaabada Radiyallaahu canhum” ayaa lagu billaabay maqaalka uu qoray Sheekh Saami Al-Cureydi oo kamid ah culimada mujaahidiinta Shaam.
Wuxuu Sheekhu ku sheegayaa maqaalka uu qoray in aflgaadada Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam iyo in lagu jees jeeso ay soo kordheysay mudooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo ay ku kacayaan qeybaha kala duwan ee dowladaha reer galbeedka iyo xitaa Yahuudda.
“ Mowduuca aan ka hadlayo waa mid kamid ah mowduucyada aadka loogu baahida badanyahay, ka gadaal markii maalinba maalinta ka dambeysa ay aad usii kordheyso jees jeeska loo geysanayo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, waxaana arinkaas mar ku kacaya dowladhaa Saliibka, marna waxaa ku kacaya dowladaha carbeed, halka marmarna ay ku kacaan Yahuudda. Arintan kuma koobna Faransiiska oo maanta ah iyo Denmark iyo Yahuudda oo kasii horeeyay, waxaa muuqaneysa in howshan ay tahay shirqool weyn oo ku socda qorshe degsan, laguna doonayo in qofka muslimka ah looga siibo diintiisa, laguna dilo ruuxda wax iska dhicinta iyo qiirada ee kujirrta qofka muslimka a, si ay u fududaato in la xukumo oo gacanta lagu hayo isaga, shacaa’irtiisa iyo muqaddsasaatkiisa, waana qorshaha ay wataan Sahyuuu Saliibiyadda mucaasirka ah” ayuu yiri Sheekh Saami Al-Cureydi.
Waajibka saaran culimada muslimiinta, dhabalatul cilmiga iyo qof kasta oo muslim ah ayuu Sheekh Saami Al-Cureydi uga hadlay maqaalkiisa cusub ee uu qoray, wuxuuna sheegayaa in loo baahanyahay inq of weliba uu qaado tallaabada uu awoodo, si loo difaaco Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam.
“ Waxa waajib ku ah culimada, muslixiinta, ducaadda, dhalabatul cilmiga iyo qof weliba oo muslim ah inuu u istaago ka hortaga munkarkan weyn, iyadoo qof weliba adeegsanayo wasiilooyinka sharciga ah ee uu awoodo, qofkii gacantiisa uga hortagi karo ha sameeyo, kii afkiisa ku caabin karana ha sameeyo, qofkii awoodo inuu si guud u qaadaco badeecadaha dowladahaasna ha sameeyo, Imaamu Muslim wuxuu wariyay in Abii Siciid Al-Khudri uu ka wariyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam inuu yiri “ qofkii munkar arka haku suuliyo gacantiisa, qofkii awoodi waayana haku suuliyo carabkiisa, haddii uu awoodi waayana qalbiga haka naco, kaas ayaa ah iimaanka midka ugu daciifsan.
Waxaan arkay iney lama huraan tahay in la baraarujiyo waajibnimada in Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam loogu aargudo in la jaro qooraha, lana nooleeyo fariidada Argagax gelinta, ahmiyadda ay u leedahay awgeed iney baaaciso mujrimiintan, xilli weliba ay dadka oo idil ay ku mashquuleen ka hadalka muhiimadda in si dhaqaale ahaan ah loo qaadaco cadowga, iyo saameynta ay arinkas ku leedahay in loogu aargudo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam.
Anaguna waxaan garab taagannahay in cadowga la qaadaco badeecadihiisa, iyo xitaa tallabo weliba oo loogu hiilinayo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, laakiin ma haboona inaan ku ekeysano oo keliya qaadacaadda, balse waxaa waajib nagu ah inaan muslimiinta u cadeyno waajibnimada in Rasuulka Salla-llaahu caleyhi Wasallam loogu aargudo wado kasta oo mashruuc ah, waxaana ugu weyn in la jaro qooraha cadowga oo la argaax geliyo, sidaba ay sameeyeen Saxaabada Radiyallaahu canhum” ayuu yiri Sheekh Saami Al-Cureydi.
Wuxuu maqaalkiisa uu kaga hdlayo waajibnimada in la difaaco Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam kusoo qaadanayaa qisaska qaabkii loo dilay Kacab binul Ashraf iyo Abii Raafic oo labadoodaba ahaa Yahuud caadeystay dhibaateynta Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, waxaana markaas kadib uu Sheekhu leeyahay :
“labadan xadiith ee saxiixa ah, waxay si cad u muujinayaan in la dilayo, si qarsoodi ahna loo beegsanayo qof weliba oo dhiba Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, xitaa haddii uu ahaado qofkaas mid ballan ay kula jiraan muslimiinta, xadiithka hore wuxuu Rasuulkeena sharafta badan yiri “ Yaa iga qabanaya Kacab binul Ashraf, wuxuu dhibay Alle iyo Rasuulkiise. Waxaa istaagay Muxamad bin Maslama, wuxuuna yiri “ Rasuulkii Allow ma jeceshahay inaan dilo? Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam Haa ayuu yiri .
Xadiithka labaadna wuxuu cadeynayaa in Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam koox Ansaar ah uu u diray iney soo dilaan Abii Raafic Al-Yahuudi, maadaama uu dhibi jiray Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, waxaana Xadiithka ku yimid sidatan “ Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam wuxu rag Ansaar ah o uu amiir uga dhigay Cabdullaahi ibnu Catiik u diray Abii Raafic Al-Yahuudi, oo dhibi jiray Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasalalm”.
Al-Xaafid ibnu Xajar- Raximahuullaah wuxuu Fatxul baariga ku yiri “ Xadiithka waxaa ku sugan iney banaantahay in la dilo kuwa dhibaatadoodu xeeldheertahay ee gaalada kamid ah, Abuu Raaficna wuxuu colaad la xirtay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, isagoona dadka u kulminaya la dagaallanka Rasuulka”.
Marka laga soo tago adillada ka sugan Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam ee lagu soo gudbiyay maqaalka, wuxuu Sheekh Saami Al-Cureydi soo guurinayaa ijmaaca culimada muslimiinta ee ku aadan in dhiig loogu aargudayo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam.
“ Alle ha u naxriiste, sheekhul Islaam wuxuu kitaabkiisa As-Saarimul Masluul calaa Shaatimi Rasuul, ku leeyahay “ mas’alada koowaad waxay tahay : qofkii caaya Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, ha ahaado qof markii hore muslim ahaa ama qof gaal ah waxaa waajib ah in la dilo”.
Ibnul Mundirna wuxuu leeyahay “ guud ahaan culimadu waxay isku waafaqeen in xadka qoka caaya Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam uu yahay dil” arinkaas culimada qabtana waxaa kamid ah imaamu Maalik, Al-Leyth, Imaamu Axmed iyo Isxaaq, waana madhabka Shaaficiyada”.
“ Adilladan iyo hadallada ahlu cilmiga aan soo guurinnay waxay si cad u muujinayaan iney waajib tahay in Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam loogu aargudo in la dilo qofkii caaya oo dhiba, culimaduna horey iyo hadaba waxay arinkan ka qoreen kutub iyo rasaa’il, kutubta ugu caansan, uguna ballaaran ee mowduucan soo uruurisay waxaa kamid ah kitaabka As-Saarimul Masluul calaa Shaatimi Rasuul, oo uu qoray sheekhul Islaam Ibnu Teymiyah, ee qofkii doonaya in mas’aladan uu si ballaaran u arko, tafaasiisha xukunkanna u diraaseeyo haku laabto kitaabkaas” ayuu ku yiri Sheekh Saamil Cureydi maqaalkan uu ka qoray difaacida Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, muslimiintana uu ugu boorinayo iney Rasuulka u aargudaan.
Dowladda Faransiiska ayaa hor boodeysa ololaha ballaaran ee ay reer galbeedka weerarka iyo duulaanka ugu so qaadeen sharafka iyo karaamada Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, waxaana madaxweynaha dalkan uu marar badan shaaca ka qaaday ineysan dowladiisu joojin doonin aflagaadada iyo sawirrada jees jeeska ah ee lagu aflgaadeynayo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam.
Muslimiinta caalamka oo ka dhiidhinaya tacadiga Faransiiska ayaa dhigay banaanbaxyo ballaaran oo ay ku difaacayaan Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, iyagoo dhianc kale qaadacay badeecadaha ka yimaada wadanka Faransiiska.
Balse bandiiradda u baratanka u aargudida Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam waxaa wada dhalinyaro muslimiin ah oo gudaha dalka Faransiiska ka fuliyay weeraro dhiig lagu daadiyay oo loogu aargudayo Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam, waxaana raggaas ugu caansan Cabdalla Shiishani oo gowracay macallin Faransiis ah oo ardeydiisa u bandhigay sawirro jees jees ah oo uu wargeyska Charlio Hebdo ku aflgaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam.
Halkan ka dhagayso Warbixin- Maysuurul Khidhaab- Sheekh Saamil Cureydi