HomeAll newsHowlgallo Askar iyo Saraakiil Lagu dilay Oo ka Dhacay Goobo Kala duwan....

Howlgallo Askar iyo Saraakiil Lagu dilay Oo ka Dhacay Goobo Kala duwan. (Dhagayso)

Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay silsilado howlgallo ah oo beegsaday ciidamada Dowladda federaalka, Shisheeyaha iyo kuwa maamul goboleedyada.

Howlgalada ka dhacay Muqdisho waxaa kamid ah weerar qarax ah oo lagu weeraray saldhiga booliiska ee degmada Xamarweyne.

Waxaa sidoo kale deegaanka Weydow lagu dilay labo askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, kuwaas oo meydadkooda goobta ay yaaleen muda dheer.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, deegaan lagu magacaabo Cali Xaaji oo hoostaga degmada Cadalle waxaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, kaas oo lagu magacaabo Salaad Dalabay, waxaana howlgalkaas ku dhaawacmey 2 askari oo kale.

Dhinac kale, weeraro toos ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Koonfur galbeed ee ku kala yaala Xudud, Awdiinle, Jannaale iyo Mashallaay, waxaana jira waxyeello kala duwan.

Weeraradan waxay kusoo aadayaan iyadoo dhawaan camaliyad Nafhurnimo oo ka dhacday goob amaankeeda aad loo ilaaliyo oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 25 askari oo saraakiil soomaali iyo ajaanib kamid yihiin.

Halkan ka dhagayso Howlgallo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular