Wargeyska The Intercept lagu magacaabo ayaa baahiyay xogo dheeraad ah oo ku aadan sarkaalkii dhawaan la shaaciyay in lagu dilay howlgal milliteri oo ka dhacay Soomaaliya, kaas oo katirsanaa saraakiisha sar sare e CIA-da Maraykanka.
Wargeyska oo soo xiganayo labo ilo wareed ayaa sheegaya in sarkaalkan katirsanaa CIA-da uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray howlgal milliteri, isagoo noqonayo sida wargeysku sheegayo sarkaalkii ugu sarreeyay ee Soomaaliya looga dilo Maraykanka tan iyo dagaalkii 1993-dii.
Michel Goodboe ayaa lagu magacaabaa sarkaalka CIA-da katirsan, sida uu sheegayo wargeyska, waaana 54 sano jir In muda ah katirsanaa ciidamada Maraykanka, kana soo shaqeeyay wadamo dhowr ah.
Ilaha macluumaadkan laga soo xiganayo ayaa codsaday in la qariyo magacooda, sababo ku aadan kiiskan oo xasaasi ah, waxaana ay xaqiijiyeen in sarkaalka uu ku dhintay howlgal kaga yimid dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inkastoo xogaha qaar ee ku saabsan sarkaalkan CIA-da katirsanaa ee lagu dilay Soomaaliya ay yihiin kuwa qarsoon, hadana The Intercept wuxuu kasoo xiganayaa mid kamid ah ilaha xogtan in Michel Goodboe loo qaaday dhaawiciisa isibitaal milliteri oo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalka Jarmalka.
CIA-da Maraykanka waxay diiday in wax jawaab ah ka bixiso warka la xiriira in Micheal oo ku caan ahaa Goody uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ka dhacay Soomaaliya, ehelladiisana waxay sidoo kale ka gaabsadeen iney wax xog ah oo ku saabsan wiilkooda bixiyaan.
Micheal Goodboe wuxuu ka hor inta aanu kusoo biirin CIA-da Maraykanka ka tirsanaa guutada lixaad ee ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Neavy Seal, kuwas oo fuliya howlgallada gaarka ah ee lagu beegsado hogaamiyaasha Mujaahidiinta.
Sanado kahor ayuu kasoo wareegay ciidamadaas, wuxuuna noqday sarkaal katirsan CIA-da Maraykanka, illaa ugu dambeyn noloshiisa lagu soo afjaro dalka Soomaaliya.
Waxay geeridiisa imaaneysaa, iyadoo Donald Trump uu horay shaaca uga qaaday inuu doonayo in ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya kala baxo dalkan, ka hor inta uusan baneyn Aqalka Cad bisha January 2021-da.
Warbixinta uu qoray wargeyska The Intercept waxay qeybaheeda dambe soo gudbinaysaa tiro weeraro ah oo ay horey u fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo sheegaya iney sii kordheyso awoodda Mujaahidiinta.
“ Taliska milliteriga ee ciidamada Maraykanka ee Africa, wuxuu sheegayaa iney sii kordhayaan weerarada gawaarida miineysan loo adeegsanayo ee ay fulineyso Xarakada Al-Shabaab, waxay fuliyeen AlShabaab howlgal lagu doonayay in lagu khaarijiyo taliyaha ciidamada milliteriga ee dowladda federaalka, iyago adeegsanaya gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay, Augosto waxay weerar xoogan ka fuliyeen hotel ku yaala xeebta Liido, halkaas oo ay ku dileen 25 ruux, halka 07-dii Septembar ay Al-Shabaab iyagoo adeegsanaya gaari miineysan weerar la beegsadeen ciidamo isugu jiray Soomaali iyo Ameerikaan, halkaas oo ay ku dileen 3 askari oo Soomaali ah, kuna dhaawaceen askari Ameerikaan ah” ayuu leeyahay wargeysku, inkastoo weerarada qaar uu sheegay uu khasaaruhu aad uga badnaa inta uu wargeysku daabacay.”
“Bishii September, agaasimaha waaxda Sirdoonka ee Africom Rear Adam wuxuu shaaca ka qaaday iney sii kordheyso khatarta amni ee uga imaaneysa dhinaca Al-Shabaab, iyagoo isku dayaya iney beegsadaan danaha Maraykanka ee gobolka, isla waqtigaas war saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in howlgalladooda milliteri ay ku beegsanayaan ciidamada Maraykanka, iyagoo difaacaya diintooda, dhulkooda iyo dadkooda” ayuu leeyahay wargeyska The Intercept oo daabacay warbixintan.
Wuxuu wargeysku qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Soomaaliya, inta ay qirteen Ameerikaanka, waxaana kamid ah saraakiisha uu magacyadooda sheegayo Kylle Milliken oo sanadkii 2017-ka lagu dilay meel afartan mile galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah, halka sanadkii xigay ee 2018-kana meel koonfur galbeed kaga beegan caasimadda oo u jirta 200 oo mile lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Alex Conard oo katirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee milliteriga Maraykanka.
Wargeyska The Intercept wuxuu shaaca ka qaadayaa in afartii sano ee uu Trump ahaa madaxweynaha Maraykanka ay sii kordheen weerarada duqeymaha ee ah diyaaradaha Maraykanku ka geysanayaan Soomaaliya, taas bedelkeedana ay sii kordheen khasaaraha soo gaaraya dadka shacabka ah ee aan ku lug lahayn dagaallada.
Hay’ad lagu magacaabo Airways oo uu fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in tan iyo sanadkii 2007-da uu Maraykanka ku dilay Soomaaliya dad shacab ah oo tiradoodu gaareyso 142 ruux, balse inkastoo xaqiiqda ay qeyb ka sheegeen hadana khasaaraha shacabku waa mid intaas badan, waxaana Maraykanka uu dhaqan ka dhigtay in qof weliba oo uu dilo ku tilmaamo inuu yahay dagaalyahan katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inkastoo Maraykanka uu dhibaato ba’an ka geysanayo Soomaaliya, qoysas badan oo Soomaaliyeedna laayay dadkooda, hadana waxaa dhanka kale muuqaneysa in hooyooyin badan oo Ameerikaan ah ay barooranayaan, sababo ku aadan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya iyo Kenya kala hortagtay weeraro indhaha looga riday, oo looga dilay boqollaal askar iyo saraakiil isuga jirta.
Halkan ka dhagayso Warbixin Xogta Sarkaalkii CIA-da ee lagu dilay Soomaaliya