Qarax xoogan ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu watay maareeyaha guud ee dekadda magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa haleeley Axmed Washington iyo ilaaladiisa oo marayay qeybo kamid ah degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ka dhashey khasaare kala duwan.
Axmed Washington oo ah maareeyaha dekadda ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarka, iyadoo qaraxa ay ku dhinteen 2 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan ee lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo maareeyaha dekadda.
Muqdisho waxaa kusii xoogeysanaya howlgallada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana ay imaanayaan iyadoo lagu wado in dowladda Federaalka ay qabato doorashooyin madaxtinimo oo ay Siyaasiyiintu isku khilaafsanyihiin.