HomeAll newsBoqollaal Askari Oo lagu dilay Dagaallada Ka Socda wadanka Itoobiya.

Boqollaal Askari Oo lagu dilay Dagaallada Ka Socda wadanka Itoobiya.

Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashey dagaallada weli ka soconaya dalka Itoobiya ee dhexmaraya ciidamada uu wato Abey Axmed iyo kuwa is maamulka Tigreega ee diidan xukuumadda dhexe ee dalkaas.

Dagaallada ayaa socda maalintii todobaad, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhinac weliba ay dooneyso iney loodiso dhinac kale.

Boqollaal askari oo labada dhinac ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku dhintay dagaallada, iyadoo ay jiraan dhaawacyo intaas ka badan, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaallada macmalka ah ee labada dhinac u furan.

Kooxaha Tigreega waxay ku goodiyeen iney sii wadi doonaan dagaalka, iskana difaaci doonaan weerar weliba oo lagu soo qaado.

Abey Axmed ayaa xabsiga dhigay saraakiil kasoo jeeda Tigreega oo katirsana ciidanka milliteriga, markii uu uga shakiyay iney gacan saar la leeyihiin is maamulka Tigreega.

Halkan Ka dhagayso Faafaahinta wararkii ugu dambeeyay dagaallada Itoobiya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular