HomeAll newsBeesha Ciroole Oo Xoolo Nool Ku Wareejisay Wilaayada Shabeellaha Hoose.

Beesha Ciroole Oo Xoolo Nool Ku Wareejisay Wilaayada Shabeellaha Hoose.

Beesha Ciroole oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa xoolo nool ku wareejisay wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose, kaas oo ay ugu talalgaleen in looga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah ciidamada Shisheeyaha.

Munaasabad ka dhacday deegaanka Nasrudiin ee hoostaga degmada Baraawe ee Shabeellaha Hoose ayay ka dhacday xafladda xoola wareejinta, waxaana beeshu wareejisay 200 oo neef oo isuga jira Ari iyo Lo’.

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose Sheekh Cabdi Samad Abuu Cabdi-Raxmaan oo goobjoog ahaa munaasabadd ayaa beesha Ciroole uga mahad celiyay tallaabada ay qaaday, isagoona sheegay iney gaarsiin doonaan xoolaha halkii loogu talalgalay.

Halkan ka dhagayso Beesha Ciroole Oo Xoolo ku wareejisay Mujaahidiinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular